Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay Boqorka Marooko, dadkii boqollaalka ahaa ee ku geeriyooday dhul-gariirkii ku dhuftay dalkaas fiidnimdii Jimacaha.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia kuna qoran Af-ka Carabiga ayaa lagu yiri “ Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diraya Boqor Maxamed-ka Lixaad iyo shacabka Marooko, isaga oo uga tacsiyeynaya dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ku dhuftay gobollo iyo magaalooyin badan. Madaxweynuhu wuxuu Alla uga baryaya inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, kuwii ku dhaawacmayna siiyo caafimaad deg-deg ah”
Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tacsi taas la mid ah u diray Boqorka iyo Shacabka Marooko.
Geelle ayaa bartiisa X kusoo qoray "Waan la murugoonay warka naxdinta leh ee naga soo gaaray dhul-gariirka ku dhacay walaalahayn. Ilaah ha u naxariisto intii geeriyooday kuwa dhaacmayna Ilaah ha u booga dhayo. Waxaana tacsi u direynaa Boqortooyada Marooko Madax iyo shacab, waxaana Ilaah ka baryeyana inuu dalkaan iyo dalalka kale ee islaamka ah ka dhowro dhibaatada"
Wakaaladaha Wararka Caalamka ayaa sheegaya in dhimashado kor u dhaaftay 800, halka uu dhaawac sii marayo 672 qof, waxaana jirta casbi laga qabo in tiradu sii siyaaddo saacadaha soo socda.



