Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunno ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku bari yeeshay eedeysanayaal loo heysto musuq-maasuq.
Tillaabada xeer ilaalinta ayaa timid kadib markii maanta ay Maxkamaddu go'aanmisay in la sii daayo 5 eedeysane oo lagu waayay wax dembi ah oo la xiriira musuq-maasuq.
Lix kale ayaa lagu xukumay muddo xabsi oo ay u dheertahay 9 sano una yartahay 8 bilood.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa hore ugu soo eedeeyay 11-kaan qof oo isagu jira Agaasimayaal, madax qeybeedyo iyo shaqaale ka kala tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hay’adda Socdaalka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya xatooyo xoolo dadweyne, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku takri fal Xafiis dowladeed iyo qaadasho laaluush.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ballan qaaday in uu sii dardargelin doono dagaalka ka dhanka ah denbiyadda Musuq maasuqa, been abuurka dukumintiyada iyo wax isdaba marinta.





