Muqdisho (Dawan)- Xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliya ayaa garab istaag u muujiyay Dowladda iyo Shacabka Marooko kadib Dhul-gariirkii ku dhuftay dalkaas ee galaaftay nolosha dad fara badan.
Macallimiinta, ciyaartooyda iyo hwolwadeena kale ee xulka Qaranka ayaa qabtay munaasabad loogu duceynayay Shacabka Marooko ee Dhul-gariirku ku dhuftay habeenkii Jimcada ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub (UEFA) ayaa ku dhawaaqay go'aan ah in la aamuso hal daqiiqo ka hor billaabashada ciyaaraha ka dhacaya garoomada Yurub, si baroor diiq loogu muujiyo dadkii ku waxyeelloobay Duufaantii Liibiya iyo Dhul-gariirkii Marooko, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof.



