Kampala (Dawan)- Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa caddeeyay mowqifka dolwaddiisu ka qabto qorshaha Somaliland ku dooneyso in ay uga go’do Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay arrintaas wax khalad ah.
"Ma taageereyno in Somaliland ka go'do Soomaaliya, maxaa yeelay waa khalad Istiraatiiji ah" ayuu yiri, Museveni
Hadalkaan ayuu yiri, Museveni kadib markii uu kulan la qaatay Jaamac Muuse Jaamac oo ah ergay ka socda Somaliland.
Yoweri Museveni ayaa kula dardaarmay Soomaaliya iyo Somaliland inay qaataan siyaasadda ku dhisan danta guud, haddii ay dalkooda la doonayaan horumar iyo barwaaqo.