Saturday, July 27, 2024

Dhinacyada isku haya Suudaan oo ogolaaday gurmad bini aadanimo

Jabuuti (Dawan)- Urur goboleedka IGAD oo qayb ka ah dardargelinta wada hadallada ka socdo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xal loogu raadinayo dagaallada Suudaan ayaa sheegay in dhinacyada isku haya dalkaas ay ogolaadeen in fursad la siiyo howlaha gurmadka gargaarka bini aadanimo.

Sida ay sheegtay IGAD hoggaanka dowladda Suudaan iyo ciidamada kasoo horjeeda ayaa ogolaaday in la qaado tillaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida labada dhinac oo ay ka mid ah tahay in ay ka qeyb galaan madal lagu dardargelinayo howlaha gargaaka bini aadantinimo iyo in la yareeyo waxa sii hurin kara colaadda.

Madashaan waxaa soo agaasimay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka arrimaha bini aadantinimada ee OCHA, waxaana la qorsheynaya in looga hadlo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ku hor gudban howlaha gargaarka iyo adeegyada kale ee bini aadantinimo.

Dhanka kale, waxaa la qorsheynaya in dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ay yeeshaan wada hadallo fool ka fool ah oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika, Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka.

Dowladda Jabuuti ayaa ku bogaadisay Sacuudi Carabiya, Mareykanka iyo IGAD oo metesha Midowga Afrika dadaallada xoogga leh ee ay ka qaateen wada xaajoodka laba dhinac ee Suudaan, si loo gaaro xal waara iyo dib usoo celinta xasiloonidii dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here