Monday, May 20, 2024

Prof Afyare Cilmi: Baarlamaan macno leh ma arko

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Prof: Afyare Cabdi Cilmi, Agaasimhii hore ee Machadka Cilmi Baarista ee Heritage

Marka la fiiriyo dhaqanka ka jira xiriirka calamiga ah ee dhexmara dowladaha, waa sax dowlad tabar yar oo ka baqeysa in deriskeeda oo ka xoog-badan uu boobo, inay taageero iyo xulufeysi amni-doon ah la gasho dalalka awoodda leh.


Waan taageerayaa in Soomaaliya ay raadiso oo ay hesho saaxiib awood leh oo ay ku tiirsato.
Qormooyinka aan qorayna waan uga fallooday marar hore, waxaanse la yaabay sida ay mar walba hey’adda fulintu u macna-tireyso baarlamaanka.

Waan rumeysnahay in xubnaha baarlamaanka badidoodu ay taageeri lahaayeen waayo Turkey waa dowlad ay siyaasiyiiinta iyo shacabka inta badan ku kalsoon yihiin.

Siyaasiyiintii soo xulay xubnahan (Baarlamaanka) uma hiillin hey’adda sharci-dejinta.

Ujeeddadoodu waxay aheyd codeynta doorashada madaxweynaha oo kaliya. Hawlaha kale ee Baarlamaan laga rabo maba aysan ka fekerin, Hey’adda fulintuna uma turto, sidaa darteed, Baarlamaan macno leh ma arko.

Haddiiba aan lagu aamini karin xubnaha Baarlamaanka heshiis aan la isku diidanayn, sidee loogu aaminayaa Dastuur la rabo inuu boqollaalka sano ee so socda uu xeeriyo siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka? Suurta-geli meydo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here