Sunday, May 19, 2024

Puntland oo sheegtay inaysan aqbali doonin wax ka bedelka Dastuurka

Garoowe (Dawan)- Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in aysan aqbali dooni wax ka bedelka lagu sameynayo Dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu yiri; ” Dowladda Puntland waxay si adag uga soo horjeedaa, ugana digaysaa xaaladaha ka soo cusboonaaday dhabbaha dowlad dhiska hannaanka Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaalada ay Madaxda Dowladda Federaalku ugu jiraan in ay wax ka bedalidda Dastuurka Kumeel-gaarka ah”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya uusan awood iyo sharciyad u lahayn samaynta dastuur cusub, iyada oo lagu sheegay war-saxaafadeedka in ay jiraan qodobo kooban oo u baahan dhammaystir ee aysan jirin baahi loo sameeyo Dastuur cusub oo abuuri kara in muranna la geliyo wixii lagu heshiiyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here