Saturday, July 27, 2024

Warbixin laga soo saaray shirka Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida

Jig-jiga (Dawan)- Shirwaynaha Xisbiga Barwaaqo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo gabo gabeeyey magaalada Jig-jiga, iyada oo lagu gorfeeyay waxqabadka labadii sano iyo barkii lasoo dhaafay iyo Waxqabadka komishinka anshaxa iyo dabagalka xisbiga.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida. Cabduqaadir Rashiid ayaa sheegay in horumar ballaaran laga gaaray arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, adeegyada bulshada, kaabayaasha aasaasiga ah, amniga iyo dimoqraadiyadda.

Warbixin laga soo saaray shirka Xisbiga Barwaaqo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa laga soo sheegay in waayadii ugu dambeysay la xoojiyey sugidda amniga xuduudaha iyo xasiloonida gudaha si loo xaqiijiyo badqabka bulshada deegaanka iyo dalkaba.

Dhanka horumarka bulshada waxaa warbixinta lagu sheegay in la hirgaliyay barnaamijyada dhaqo oo dheefso, dalag iyo daryeel, raad-reebka cagaaran, waxsoosaarka qamadiga, bariiska iyo dalagyada kala duwan si loo xoojiyo damaanadda cuntada ee bulshada deegaanka.

Dhanka dhallinyarada waxaa fursado shaqo loo abuuray dhalinyarada deegaanka iyo bulshada danyarta ah si loo dhimo shaqo la’aanta iyo saboolnimada, sida lagu sheegay warbixinta.

Xisbiga ayaa ballan qaaday inuu sanadaha soo socda la hirgalin doono adeegbixin hufan oo la siinayo muwaadiniinta si loola dagaalamo musuqa, ganacsiga sharci darrada ah, kontorobaanka iyo gal daloolooyinka kajira maamulka dhulka.

Warbixinta Xisbiga waxaa lagu xusay in isbedelo waaweyn lagu sameeyey hay’adaha sharciga ee deegaanka si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo sareynta sharciga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here