Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay saraakiil Imaaraad ah oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo lagu dilay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

“Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed” ayuu Madaxweyne Xasan kusoo qoray bartiisa Facebook.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaas, wuxuuna faray laamaha amniga in ay sameeyaan baaritaan degdeg ah, isaga oo ballan qaaday in tillaabdo adag laga qaadi doono cid kasta oo ka dambeysay falkaas

“Waxaan si ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan”. ayuu raaciyay qoraalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu weli ma shaacin tirada rasmiga ah ee ku dhimatay is rasaaseynta caawa fiidkii ka dhacday xerada Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho balse wararka la helayo ayaa tilmaamaya in labo ka mid ah saraakiisha Imaaraadka Carabta oo qaabilsan dhanka tababarada in ay ku dhinteen rasaas uu ku furay askari ka mid ah ciidanka lagu tababarayay xeradaas

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in uu dhaawac soo gaaray laba kale halka askarigii xabbadda billaabay asna lagu dilay goobta.

Madaxweyne Xasan ayaa qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay ” Dowladda iyo Shacabka walaalaha ah ee imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen in ka badan 20 askari oo isagu jira Imaaraad iyo Soomaali kadib markii ay weerar ay ku qaadeen xerada ay Imaaraadku ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Xerada Jeneraal Gordon ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa go’aankii Soomaaliya ay ka qaadatay go’doomintii lagu sameeyay Qatar, basle dib ayaa loo furay markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here