Saturday, July 27, 2024

Qeybo ka mid ciidamadii tababarka u joogay Eretria oo dib loosoo celiyay

Muqdisho (Dawan)- Qeybo ka mid ciidamadii tababarka u joogay dalka Eretria ayaa xalay dalka dib loogu soo celiyay, iyada oo ay dowladdu qorsheyenyso in ay sii laba jibbaarto dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Lama oga tirada dhabta ah ee ciidamda lagu soo celiyay dalka, balse wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ugu yaraan shan duulimaad ay gaarayaan diyaaradaha lagu soo daabuulay ciidanka.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Ciidamadaan lagu xareeyay xeryo ku yaal magaalada Muqdisho oo hore loogu sii diyaariyay, waxaana la filaya in dhawaan loo sii daabuulo gobolada dalka.

 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tegay dalka Eretria isaga oo la kulmay ciidamada kala duwan ee tababarka ku qaadanaya dalkaas .

Madaxweyanaha ayaa faray ciidamada in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira kooxada Al-shabaab.

Ereteriya ayaa Soomaaliya u tababarta ciidamo isagu jira kuwa dhulka, badda iyo cirka, kuwaas oo qaar ka mid ah dalka lagu soo celiyay kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay u heli lahayd ciidan tababaran oo awood u leh in ay mas’uuliyadda dalka kala wareegaan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS kuwaas oo la filaayo in ay dhawaan dalka ka baxaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here