Saturday, July 27, 2024

QM oo $10M ugu deeqday gurmadka Fatahaadaha Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Iyadoo laga jawaabayo burburka baahsan ee ka dhashay roobabkii lixaadka lahaa iyo fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya, ayaa Qaramada Midoobay waxay 10 milyan oo dollar u qoondeysay Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay.

Maalgelintan deg-degga ah, oo ay weheliso 15 milyan oo dollar oo ay hore ugu bixisay Sanduuqa Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, ayaa loogu talagalay ka hortagga dhibaatooyinka iyo wax ka qabashada baahiyaha bani’aadamnimo ee degdegga ah.

Lacagtu waxay taageeri doontaa waxqabadyada muhiimka ah oo ay ka mid yihiin hoy degdeg ah, gargaar caafimaad, iyo helitaanka biyo nadiif ah taasi oo hiilo u noqon doonta fayadhowr-ka  1.2 milyan oo qof oo dhibaatadu saamaysay.

Martin Griffiths Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadantinimada, ayaa iftiimiyay xaaladda degdegga iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay jawaab celin caalami ah oo isku xidhan.

Daadadku waxa ay sababeen barakac baahsan iyo in ay hakad galiyaan adeegyadii muhiimka ahaa, iyaga oo dalbanaya dadaal dheer oo lagu xaqiijinayo in si hufan loo gaarsiiyo gargaarka.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay xilli aad xasaasi u ah Soomaaliya, iyadoo Qaramada Midoobay ay ugu baaqday beesha caalamka inay ku biiriyaan dhaqaale dheeraad ah si ay u taageeraan bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey iyo dib u dhiska noloshooda.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA oo warbixin kaso saaray xaaladdii ugu dambeysay ee roobka ka da’aya qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa sheegay in, in ka badan 1.17 milyan oo qof ay saameeyn kasoo gaaratay daadadkii iyo fatahaadihii ka dhashay roobka.

Gobollada Gedo, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Hiirraan ayaa ah goobaha ugu badan oo ay ka da’een roobabkii ugu dambeeyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here