Saturday, July 27, 2024

Geelle oo daah furay Warshadda Tamarta laga dhaliyo Dabeysha

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xariga ka jaray Warshadda Tamarta ka dhalin doonta dabeysha oo laga hirgeliyay deegaanka Goubet ee dalkaas.
Warshaddaan ayaa ah tii ugu horreysay nuuceeda oo laga hirgeliyo Jabuuti ayaa loogu tala galay in kor loogu qaado Waaxda Tamarta dib isu cusubooneysiisa.

Madaxweyne Geelle oo munaasabadda daah furka mashruucaan ka jeediyay khudbad ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay Warshaddaan u leedahay muwaadiniinta Jabuuti iyo kor u qaadista tayada Korontada iyo dhaqaalaha dalka.

Geelle ayaa shegay in hirgelinta mashruucaan marqaati ka yahay ka mira dhalinta himilada mustaqbalka iyo tillaabooyinka loo qaaday dhanka horumarka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa khudbaddiisa ku sheegay dhowr qodob oo ay Warshaddaan kusoo kordhin doonto Jabuuti, waxaana ka mid ahaa

1- In muwaadiniinta Jabuuti heli doonaan koronto nadiif ah oo raqiis ah.

2- In Warshaddaan ka qeyb qaadan doonto koboca dhaqaalaha Jabuuti

3- In la yareeyo ku tiirsanaanta Shidaalka iyo korontada ka timaada dibadda.

4- Shaqo abuuris ballaan oo ay ka faa’iideystaan muwaadiniinta Jabuuti

5- Ka mira dhalinta dadaalka Jabuuti ay ugu jirto la dagaalanka isbeddelka cimilada, iyada oo la dhimaayo qiiqa hawada lagu sii daayo.

Geelle ayaa intaas ku daray in mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay Jabuuti sannadihii lasoo dhaafay sida Dekedaha, Waddooyina Tareenka, iyo Gancsiga xorta ah ay qasab ka dhigeen in la helo Tamarta is cusbooneysiisa.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay in Jabuuti hiigsaneyso 2035-ka inay gaarto isku filnaansho dhanka Tamarta ah iyo in muwaadiniintu helaan Koronto raqiis ah oo la awoodi karo.

Dhanka kale, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiica ah, Yoonis Cali Geedi, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti go’aansatay in laga faa’iideysato Cimilada iyo Kheyraadka Dabiica ah, si muwaadiniintu u helaan koronto nadiif ah oo ku filan.

Wasiirka ayaa intaas ku daray, in mashruucaan sidoo kale leeyahay Warshad biya nadiifisa oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka deegaanka Goubet iyo deegaanada kale ee ka ag dhaw.

Wasiir Yoonis ayaa hoosta ka xariiqay in Mashruucaan uu yahay mid ka tarjumaya iskaashiga iyo kalsoonida weyn ee ka dhaxeysa dowladda Jabuuti iyo Maalgashiyaalka Caalamiga ah kuwaas oo doonaya inay ka mira dhaliyaan wax qabadkooda dhanka Tamarta.

Warshaddaan laga hirgeliyay Jabuuti ayaa awood u leh inay daboosho 50% baahida koronto ee dalkaas, waxeyna hoos u dhigi doonta ku tiirsanaanta korontada ka imaan jirtay dalka Itoobiya.



Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here