Saturday, July 27, 2024

Qorshe wax looga qabnayo shilalka waddooyina Jig-jiga oo lasoo bandhigay

Jig-jiga (Dawan)- Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya, ayaa qabtay kulan lagu eegayey qorshe howleed lagu soo bandhigayay sida ugu habboon ee looga hortegi karo shilalka joogtada ah iyo cariiriga Magaalada Jig-jiga.

Kulankan waxaa hogaaninayay Guddi Sare oo loo aas-aasay wax ka qabashada dhibaatooyina ciriiriga waddooyina, shilalka iyo fal dambiyeedyada lagu gaysto Gaadiidka Bajaajta ah xiliyada habeenkii.

Guddigan oo isagu jira xubno ka socda ha’ayadaha kala duwan ee ku shaqada leh Gaadiidka iyo Ammmnka ayaa soo bandhigay qorshe howleed lagu saxayo caqabadaha la xiriira Shilalka, Saxmada iyo Fal dambiyeedyada lagu gaysto Gaadiidka yar yar ee Bajaajta xiliyada Habeenka ah, waxeyna soo saareen qodobada soo socda:

1. In 4 iskaashato loo qaybiyo Gaadiidka Foorsida.

2. In 4 Iskaashato iyo Dallad Guud loo saameyo Bajaajta

3. In Basaska waawayn ee u kala goosha Magaalooyinka fog fog laga dhax saaro ubucda magaalada oo loo kala raro labo jaho ( Marinka Bari iyo Marinka Galbeed)

4. In Tagaasida u baxada Garoonka Diyaaradaha loo raro goob ka baxsan badhtamaha maagaalada.

5. In la aas-aaso Iskaashatooyinka ka shaqeeya baarkiyda (parking lots associations) kuwaas oo bilicda magaalada saxaya sidoo kalena shaqo abuur u samayn doona dhallinyaro badan.

6. In wacyigalin ballaaran lasameeyo, ka hor inta aan hawsha la guda gelin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here