Saturday, July 27, 2024

Sawiro: Shirka amniga Soomaaliya oo ka furmay New York

New York (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir godoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya oo ka furmay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York.

Shirkaan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan

Sida ay Villa Somalia hore u shaacaisaym shirka waxaa lagu lafa guraya Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya, Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Shirka waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kowadii bishaan December u codeeyay in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here