Saturday, July 27, 2024

Sidee u tebiyeen Wargeysyada Bariga Afrika ku biirista Soomaaliya ee EAC?

Muqdisho (Dawan)- Ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa dhaliyay falcelin kala duwan oo ay qabaan wargeysyada Gobolka.

Tillaabadan oo loo arko mid loo qaaday dhanka isdhexgalka Gobolka, ayaa soo jiidatay dareenka iyo faallooyinka warbaahinta caanka ah ee Bariga Afrika.

Wargeyska ugu caansan ee Kenya, “The East African” ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in kusoo biiritaanka Soomaaliya ay ka qeyb qaadan karto faa’iidooyinka dhaqaale iyo kordhinta xasilloonida Gobolka .

Wargaysku waxu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado wax ka qabashada caqabadaha laga midaysanyahay , sida amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Warbixinta Waregyska ayaa qirtay in ay jiraan caqabado balse dhanka kale ay jirto rajo ah in Soomaaliya saameyn wanaagsan ku yeelan karto is dhaxgalka iyo horumraka Bulshada Bariga Afrika.


Wargeyska “The Daily Monitor” ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa diiradda saaray arrimaha diblomaasiyadeed ee ku aadan soo gelitaanka Soomaaliya ee EAC.

Wargeysku wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah EAC .

Sidoo kale, waxa uu iftiimiyay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee la kobcin karo, iyada oo xoogga la saarayo muhiimadda ay leedahay in Bariga Afrika la mideeyo lagana dhigo urur caalamka intiisa kale wax la qaybsan kara .

Wargeyska “The New Times” ee ka soo baxa dalka Rwanda ayaa si gooni ah u faaqiday aqbalaadda Soomaaliya iyo saamaynta EAC ee ku sii fideysa qaaradda Afrika.

Wargeysku waxa uu soo jeediyay in ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururka in ay xoojin karto mawqifka EAC ee Midowga Afrika, isla markaana ay gacan ka gaysan karto codka wadajirka ah ee Gobolka iyo arrimaha qaaradda.
Waxa kale uu wargeysku sheegay suurtogalnimada kororka isdhaafsiga dhaqameed iyo isdhexgalka dadka.

Markaan aadno Tanzania, Wargeyska lagu magacaabo ” The Citizen Tanzania” ayaa ka hadlay dalka cusub ee kusoo biiray EAC, isaga oo ku tilmaamy tillaabo taariikhi ah.

Maqaalka Wargeysku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga taageero dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in guusha EAC ay ku xiran tahay barwaaqada dal kasta oo xubin ka ah.

Wargeysyada ka soo baxa Bariga Afrika ayaa rajo ka muujiyay xubinimada Soomaaliya, waxeyna wada qireen in Soomaaliya kaalin weyn ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha, iyaga oo sidoo kale laga dheehan karay is fahanka warbaahineed ee ka dhaxeeya wadamada ku bahoobay EAC.

Bulshada Bariga Afrika waa urur goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqoneysa dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos aaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here