Saturday, July 27, 2024

Talyaaniga oo Itoobiya usoo celiyay diyaarad uu ka qaatay ku dhawaad 90 sano ka hor

Rome (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa Talaadadii sheegay in Dowladda Talyaaniga ay dib ugu soo celisay diyaaradii ugu horeysay ee ay Itoobiya yeelato ku dhawaad sagaashan sano ka dib markii ay qaaten ciidankii Talyaaniga ee weerarka soo qaaday

“Maanta waa maalin sharaf weyn u ah Itoobiyaanka, anagoo u dabaaldegayna la wareegidda rasmiga ah ee ‘Tsehay’ “ Ayuu Abiy kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee X.

Qoraalkiisa waxa uu soo raaciyay sawir muujinay diyaarad leh laba kursi, taas oo lasameeyay 1935-kii xilligii Boqor Haile Selassie.

“Tsehay waa diyaaradii ugu horeysay ee ay Itoobiya sameysato 1935 iyadoo ay iska kaashadeen injineer Jarmalka ahaa, duuliyihii Boqortooyada, Herr Ludwig Weber, iyo shaqsiyaad Itoobiyaan ah” ayuu raaciyay Abiy.

Taariikhyahanadu waxa ay sheegeen in diyaarada loo qaaday dalka Talyaaniga ka dib markii ciidamadii duulaanka ahaa ee kaligii-taliyihii Faashiistaha ee Benito Mussolini ay qabsadeen Itoobiya sannadkii 1935-kii, iyaga oo sannadkii xigay qabsaday caasimadda Addis Ababa.

Wasaaradda Difaaca ee Talyaanigu waxay sheegtay in diyaaraddan ay samaysay duullimaadkeedii ugu horreeyay bishii December 1935-kii, waxeyna ku tilmaamtay in ay ahayd mid cajiib ah.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in diyaaradda lagu keydiyay Matxafka Ciidanka Cirka ee Talyaaniga tan iyo 1941-kii, hadana loo qaadi doono Itoobiya si halkaas loogu soo bandhigo, inkasta oo aysan shegin xilliga la geyn doono Addis Ababa.

Diyaaradda ayaa loogu magacdaray Amiiraddii Tsehay, oo ahayd inantii uu dhalay Boqor Selassie, sida ay Idaacadda Fana ku baahisay website-keeda.

Idaacaddu waxa ay intaas ku dartay in diyaaradda Tsehay ay tahay dhaxalka kaliya ee ka badbaaday diyaaradihii duulimaadka Itoobiya ee 1930-meeyadii.

Wareejinta diyaaradda ayaa kusoo beegantahay, xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uga qeyb galay Magaalada Rome shir-weynaha madaxda Afrika oo Talyaaniga.

Dowladda Talyaaniga ayaa ugu talagashay shirkan in ay ku xoojiso xiriirka kala dhaxeeya wadamada Afrika, waxeyna kusoo bandhigtay qorshaha cusub ee ay rabto in ay kula shaqeyso Qaaradda Afrika si wax looga qabto arrimaha tahriibka.

Talyaaniga ayaa sidoo kale xoogga saari doona dadaallada kor loogu qaadayo isdhexgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga qaaradda Afrika, iyada oo ahmiyad gaar ah la siinayo shaqo abuurka, horumarinta xirfadaha, hal-abuurka iyo tignoolajiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here