Friday, June 21, 2024

Saboolnimo Hoggaamineed

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.

Hodantinnimo waa fiinta ugu saraysa ee hanaqaadka qofeed iyo kan qaran labadaba. Bulshaduna waxay baraare ku naalootaa kolkuu bislaado garaad wadareedkeeda.

Haddiise uu kala dhantaalmo hanka ummadda iyo hab fakarka hogaankooda, waxaa dhexdooda fariista qabjab, waxayna qarka u fuulaan inay wax kasta iska mala awaalaan, waxayna la guur-guuraan dareenka ay ka helaan wareerka sida qorshaysan amaba fawdada ah loogu soo dhex tuuro marba marka ka dambeysa.
Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo. Ummadaha haysta nolol maalmeedkooda waxay dajistaan sidii ay xitaa uga saari lahaayeen waxyaaba la fisho inuu kamid noqdo faqrigu. Waa tan dowladaha qaarkood haddeer meel usii dhigaan jiilal imaan doona saddex boqol oo sano kaddib dhaqaalihii ay ku deeqtoomi lahaayeen.
Farqi aad u weyn baa u dhaxeeya baahiyaha ay bulshooyinku qabaan. Qaar quutul yoonka bey xal u raadiyaan, qaarna horumar sidii lagu gaari lahaa bey ka fekiraan.

Soomaalidu tan hore bay la tacaalayaan, waxaase kasii xanuun badan haddii ay saboolnimada gasho maankii la rabay inuu dajiyo siyaasaddii dalka iyo dadka ay hodantinnimo ku gaari lahaayeen.
Hogaamiyuhu waa inuu lahaadaa fogaan arag xadkeedu yahay inta hankiisu la’eg yahay, waana iney jiraan qorshe hawleed la fulinayo, dadkuna wada arkayaan, kana rajo qabaan in la gaari doono hankaas.

AABBE KAALAY ARAG WAXAY IGU HAYSAY BEY ISKU HAYSAAYE

Dad badan oo Soomaaliyeed baa rumaystay in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay mas’uul ka ahayd dib u dhicii doorashada dalka oo si xad dhaaf ah u jiitantay.

Dad badan wey xusuustaan in Madaxweynaha khudbad dheer ka jeediyey xaaladdaas, oo si qayaxan farta ugu fiiqay in Madaxweynaha Puntland isagoo fulinayo ajande shisheeye uu mar walba dib u dhigayey doorashada. Ilaahay mahaddiis bacda tacab washidda wey hirgashay doorashadii.

Xaaladda ka taagan Puntland cid walba wey aragtaa, hal qof oo kamid ah hoggaanka siyaasadda ama dhaqanka oo garan kara mustaqbalka soo muuqda ee maamulkaas majiro, waxay maraysaa mugdi iyo mala awaal, waana mid aysan mudneyn shacabka reer Puntland.
Waxaan ogahay qorshaha Madaxweyne Saciid Deni inuu yahay mid loo soo dhiibay oo uusan isagaba xitaa lahayn, waana isla qorshihii kaga fashilmay dhanka Dowladda Federaalka.
Qorshahaasi wuxuu yahay, in awoodda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya mar walba hoos loo dhigo, dalkana lagu baahiyo degenaasho la’aan joogta ah.

Taasna waa istaraatiijiyad u muuqata dal Carbeed oo aaminay in horumarka iyo degenaashaha Soomaaliya khatar ku yahay jiritaankooda fog ee dhaqan dhaqaale.
Madaxweyne Deni, wuxuu doonayey in Muqdisho dunto, oo dowlad taag daran noqoto ugu yaraan, shir kastana caqabad hor leh ayuu keenayey.

Waxaase nasiib darro ah maanta isagoo xilkii ugu sarreeyey Puntland wali ku fadhiyo, oo uusan haysanin cid kale oo eedda kula shirkowda, uuna fulinayo wax kasta oo uu maamulkii Madaxweyne Farmaajo ku eedeyn jiray.

Halka su’aal ee ay tahay qof walba inuu is weydiiyo, haddii Madaweyne Deni shalay uu sharxay sababihii ay isku khilaafeen Madaxweyne Farmaajo, bal hanoo sharxo waxay maantana isugu dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow kuulama eka sheekadii ahayd ‘Aabe kaalay arag, waxay igu haysay bey isku haysaaye’. Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?’

PUNTLAND OO SIDA YAMAN LAGA DHIGI RABO

Isimada iyo wax garadka Puntland haddaysan tallaabo degdeg ah oo wada jir ah qaadin, waxay soo baraarugi doonaan mar uu xalkii sii fogaaday. Haddaad moodaysaan dooddu iney tahay muran doorasho, ama muran siyaasadeed, xog badan baa idin ka maqan ee qorshuhu wuxuu yahay, Puntland iney daciifto ilaa ay dunto, si xeebeeheeda iyo khayraadkeeda looga saxiixdo guddoomiye degmo, oo aanan lahayn cid la xisaabtami karta. Waa sida haddeer Yaman ka socota. Gobol gobol iyo degmo degmo ayaa loo kala jaray oo mid walba maamul iyo ciidan u gaar ah baa loo sameeyey.

XABBADII XASAN SHEEKH IYO XALKII FARMAAJO

Taariikhda dhaw ee dunida casriga ah kuma xusna in Madaxweyne xilka ka dagay, oo waliba si dimuqraadi ah ku wareejiyey, inuu isku baddalo dagaal ooge qori sita oo jabhad furtay, oo ciidankii qaranka kala qaybiyey. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda dunida meel weyn uga qormi doonta.
Madaxweyne Xasan baa subax lagu baraarugay isagoo hub iyo ciidan uu hormuud u yahay oo guri Mirinaayo ku yaalla dagay oo leh, haddaysan doorasho waqtigeeda ku qabsoomin, waxaan ka door bidayaa in dalku dumo oo dowladdu burburto.

Haddii hal maalin uu Farmaajo Villada kusii jiro, dadka ayaan qixinayaa, xabbaduna wey soconeysaa. Waliba, waa ficil uu ilaa haddeer ku faano Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow lama wada xusuusto hadalkii ahaa Maxamedoow soobax!
Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu maalintaa go’aansaday inuusan sabab u noqon burbur dalka soo gaara, taladiisa ayuu dhiibtay, qorise xal kama raadinin, waayo aqoon buu u leeyahay dagaalka natiijadiisa.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan hortooda dhigayaa hal su’aal.
Haddii Madaxweyne Farmaajo isagana xukunka isku sii dhajin lahaa oo uu diidi lahaa inuu ka laabto go’aankii Baarlamaanka, ilaahay baan idin ku dhaarshayee maanta xaalka Soomaaliya sow kama sii liidateen siday tahay maanta xaaladda Suudaan?
Waad xusuusataano, wuxuu yiri Farmaajo: “Xamar barakac uma ogoli, qaxna uma ogoli, waa magaaladii aan ku dhashay”.
Muranka ka dhasha arrimaha doorashada in qori lala aado waa sunnada uu jideeyey Madaxweynaha haddeer talada haya, dalkana wey ku sii faaftay oo waaba looga wada daydaa.
Laba walba isa saarayoo, laba tagoog marna isma saarin. Maankayga waxaa gali la’ ‘ABKEY DOORASHO DAGAAL U RIDOOW DASTUUR MAW BADDALI RABAA?’ Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?

CIMRI TAGAY CEEB HAKU SAGOOTIN

Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa tahay hoggaamiyaha kaliya ee laba jeer oo isku xigta la doortay taariikhdeenna siyaasiga ah, mana filayo inaad mar saddexaad rabto amaba aadba heleyso.
Haddaad shalay soo saartay warqad aad leedahay dalka lagama hirgalin karo doorasho aanan loo dhammayn.
Haddaad shalay tiri, doorashada halagala soo heshiiyo Maamul Goboleedyada oo hay’adaha Federaalka halaga wareejiyo.
Haddaad shalay kuraasta Somaliland buuq siyaasadeed jiitamay aad hormuud ka ahayd. Haddaad taariikhda kursi doonka ee dunida oo idil u tahay, qofkii koowaad ee awooddiisa inta isticmaalay isku saxiixay warqad aad kursi doorasho kaligaa isugu xirtay.
Haddaad tahay Odayga ugu da’da weyn inta maanta talada qaranka haysa.
Farriintayda hal kalmad unbaan kuugu soo koobayaa. Dastuurka baddelkiisa oo ay Somaliland iyo Puntland aysan kamid ahayn, cimrigaaga siyaasadeed ceeb haku sagootin. Saboolnimo siyaasadeed yeysan kugu dhicin.

ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA

Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Raisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa. Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taas, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah.
Tan kale. Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).
Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa “SADAQO SIYAASADEED”. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.

BAARLAMAANKII UGU DANBEEYEY SOOMAALIYA

Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, waxaa horyaalla soo jeedinta wax ka baddalka dastuurka. Hadduu sida uu yahay ku meel maro, waxaa tirtirmaya shaqadii labada aqal ay lahaayeen 80% (boqolkiiba sideetan).
Nin baa laga sheegay ‘biyo kulul iyo aniga sokor baa isku kaaya keentay.’
Haddii Golaha Shacabka uu ansixiyo wax ka baddalka dastuurka, wuxuu lumin doonaa sababta jiritaankiisa oo idil. Hadduusan xukuumad ansixineynin, hadduusan la xisaabtamaynin Raisal Wasaare iyo qorshe hawleedkiisa, awoodihii dalkana hal qof loo gacan galiyey saboolnimo sagxada ku dillaacday sow maahan?

MAXAA KU XIGA DASTUUR BADDALKA?

Qorsha dhigaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu yahay.

Koow: In la meel mariyo wax ka baddalka Dastuurka.
Labo: Inuu isagu magacowdo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa. Qof kaga habboon Xamse yaa meel ku og?
Saddex: In muddo xilikeedka uu shan sano yahay, haddeerna dhaqan gal noqonayo.
Afar: In dalka xaalad deg deg ah la galiyo.
Shan: In la xiro Baarlamaanka gabi ahaantiisa.
Lix: In Xeer Madaxweyne lagu soo saaro dib u dhigista dooradashooyinka dalka oo idil, ilaa iyo inta laga adkaanayo Al-shabaab.
Qorshayaashaas, sidaas bey ugu diyaarsanyihiin, sidaas bayna isugu xigaan.

NACAB BAAD U GACAN GASHAY

Madaxweyne Xasan Sheekh aqoon durugsan baan u leeyahay. Wuu jeclaan lahaa, dalkoo dhisan oo horumarsan, oo uu isagu madax ka yahay.
Fariin qoraalkayga wuxuu yahay Madaxweynoow, ma ogtahay muddo-xileedkaagii labaad ee xukunka: Inaad kaligaa tahay? Inaad kaligii duul tahay? Inaad kaligii tashade tahay?
Labo kamid ah saddexdaas sifo, go’aan iyo garasho bey kaa tahay.
Xikmad baa tiraahdaa ‘ninku markuu kaligii yahay, waa tol laawe’, ama waa tu kaloo aan si kas ah isku ilaawsiinayo haddeer.
Ninku hadduu kaligii duul noqdo waa tabar laawe, ama waa tala laawe.
Ninku markuu kaligii tashade gaaro kaa maarmay, kuumana baahni baa la yiraahdaa.
Saddexdaas waxaa ka dhalatay in Madaxweyne Xasan dunida hal dal saaxiib kala yahay. Dad iyo duunyana kala dhaqmo labadiisa moobil ee uu gacanta ku sito.
Tan sow saboolnimo siyaasadeed oo taam ah maahan?

DALKAAN CARBEED MUXUU SOOMAALIYA KA RABAA?

Waxaa jira dal Carbeed oo dowladii Madaxweyne Farmaajo col iyo cadaawo la ahayd, oo harsad iyo hoyaad nooga dhaartay.
Saboolnimadayda siyaasadeed baa igu dhalisay inaan u maleeyo in qoladaasi ay dalka dano ka leeyihiin, laakiin aysan dowladda Farmaajo ka heleynin oo ay ka quusteen.
Haddeer qofkii sidaydoo kale saboolnimu ka haysato qoladaas, hal su’aal ha is weydiiyo.
Laga soo bilaabo Muuse Biixi ilaa Axmed Madoobe iyagay la jaal yihiin, bal sidaanna ila arag; Muuse iyo Deni waa col, Deni iyo Madoobe waa col, Xasan iyo Deni waa col, Muuse iyo Xasanna waa kala dan. Intoodaasna hal meel bey u arooraan. Bal adigu ii macnee. Wali maanan arag, dowladdaas oo xitaa halmar isku dayday iney laba kamid ah heshiiyaan. Hal tafsiir bey ii yeelatay. Waa casharadii laga dhaxlay xukunkii Tigreega ee ahaa, Soomaalida wada hayso, haddana kala hayso, iyagana kala haay.

MAJIRO NIN KU TAGAY TALO ISAGA KA TIMID
Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh uu mucaaradka afmaalka ahaa, waxaa laga hayaa inuu yiri: Jeclaan lahaayaa inaa iska joogo. Madaxweynoow, dal mideysan oo doorasho midaysan qabtay baad ku guuleysatay inaad xilka kusoo laabato marka kale. Adigoon laba sano dhammaysan baad rabtaa inaad dalka jihadiisa baddasho, iyadoo aadan wada haynin intii Madaxweyne Farmaajo kaaga tagay.
Dadka waxbaad dheertahay, dalkana geeddi caano leh baad u waddaa.
Haddaad inta baddasho Dastuurka aad ka dhaxasho dal iyo dad wada jira, waxaan kuu ballan qaadayaa inaan isku qiro damiinnimo siyaasadeed haddaan arko adigoo qibladii siyaasadda inta baddalay, Maandeeq lawada leeyahayna nabad lagu maalayo.
Jikaar kama wado, ee waxaan goob-joog u ahaa dhammaan shirarkii dowlad dhiska loo qabtay, marka laga reebo kii Carta. Sidoo kale, garaadkayga baa wuxuu itusay, doorasho aan heshiis lagu ahayn ayaa la dhaqaajin waayey, dastuur baan rabaa inaan baddalo anoo kaligay ah, weyna ii hirgalaysaa, taasi intaan naqaanay wey dhaaftay, waana sababta aan isku dhiibayo hadday kuu fusho sidaas. Waxaanse isku hallaynayaa sooyaalka taariikhda ku xardhan, inaanan wali la arag, nin kursi ku fadhiya oo talo tiisa ah xukunka uga dagay.
Marka tu kale unbaa imaan doontee oo taada joojin doontee, armay ku habboontahay inaad tagtadii wax ka barto?

SIRTAAN FURAN KALIGAA HAYSO

Dowladdii Madaaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumaddii Xasan Cali Khayre u gudbisay Golaha Shacabka sharcigii doorashada dalka. jiitan dheer keddib, Guddoonkii Golaha Shacabka ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiyo sharcigaan. Jabuuti ayay u safreen, maalmo ayeyna u fadhiyeen.
Xildhibaan Nuux oo Habdhawraha Baarlamaanka ahaa baan wacay, oo aan ku iri xagay shaqadii idiin maraysaa? Wuxuu iigu jawaabay hadal aanan ilaawin, wuuna diiday inuu ii fasiro, laakiin aan sifiican u fahmay. “Fahadoow, hal kalmad unbaan kuu sheegayaa. Sharcigaan siduu uga yimid Golaha Wasiirada in loo meel mariyo dalka oo dhan hal qof baa daacad ka ah oo raba, waana Madaxweyne Farmaajo.”
Haddeer, Madaxweyne Xasanoow wax ka baddalka Dastuurka kaligaa baa daacad ka ah oo daneynaya. Xildhibaan Nuux ha iga raali noqdo, haddaan xeerkii Saciid Deni kula dhaqmay.

ADIGOO WACAN IYO DALKOO WANAAGSAN

Mudane Madaxweyne, dardaarankaygu wuxuu yahay, geesinnimadaada iyo isku kalsoonidaada waxaad galisaa;
Kow: Sidaad dalka isugu hayn lahayd. Puntland iyo Somaliland oo maqan, Dastuur ha u dhawaan.
Labo: Dadka la tasho, oo ka biloow saaxiibadaadii kusoo dhistay ee dartaa dowladdii kaa horreysay eedo badan uga galay.
Saddex: Guushaada waa guul qaran oo waxaan diyaar u wada nahay inaan ku caawinno oo ku garab is taagno.
Afar: Waxaad ka heli lahayd Madaxweyne Ku Xigeen, haddaadba haysataa, oo waad ka nasiib badan tahay Madaxweynayaashii kaa horreeyey ee hor ilaahay u iimaanso Xamse oo Ra’iisul Wasaare kuu ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here