Friday, July 26, 2024

Somaliland oo qabatay ajaanib looga shakiyay arrimo argagixiso

Hargeysa (Dawan)- Laamaha amniga ee Somaliland ayaa sheegay in ay qabteen toban nin oo ajaanib ah kuwaas oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin ururo argagixiso.

Qoraal lagu baahiyay TV-ga Somaliland ayaa lagu yiri ” Hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa qabatey toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko”.

Somaliland ma sheegin xilliga iyo goobta laga soo qabaty iyo sidoo kale qaabki ay marki hore kusoo galeen Somaliland.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here