Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo walaac ka muujisay soo rogaal celinta burcad badeedka

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay falalka burcad badeedka ee kusoo laabtay Badda Cas, iyada oo sheegtay inuu saameyn dhaqaale ku keeni doono Gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay isha ku hayso xiisada  amni ee ka soo cusboonaatay marinka koonfureed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo intaas ku dartay in saamayn dhaqaale iyo mid bulsho ay ka imman karto dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee ku soo kordhaya Badda Cas.

Waasaarraddu waxa uu sidoo kale xusay in kor u kac ku imaan doono qiimaha badeecadaha iyo caymiska Maraakiibta ee gobolka, haddii aan wax laga qaban xasiloonida iyo amniga Badaha.

Somaliland ayaa ku baaqday in si deg-deg ah loo qaado tillaabo ku dhisan is kaashi si wax looga qabto kharataha kusoo fool leh Gobolka iyo Caalamka.

Somaliland waxa ay  carrabka ku adkaysay in  ay ka ga go’an tahay in ay xoojiso badqabka iyo amniga baddeheeda, aagagga dhaqaale iyo ilaalinta xeeb dhererkeedu gaarayo 850 km oo ay mas’uul ka tahay.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay dowladda Mareykanku shaacisay dhawaan in ay badbaadisay markab ay soo weerareen dad ay ku sheegtay in ay ahaayeen burcad badeed Soomaali ah.

Dhanaka kale, Kooxda Xuutiyiinta ee Yeman ayaa sheegatay in ay qabsatay markab ay leedahay Isarel oo marayay Badda Cas, waxeyna ku goodisay in aysan ogolaan doonin in Israel si nabad ah u istcmaasho Badda Cas iyada oo sii gumaadaysa shacabka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here