Saturday, July 27, 2024

Xulka Soomaaliya oo guul darro ku billaabay kulamada saaxibtinimada

Morocco (Dawan)- Xulka kubadda cagtaa ee Qaranka Soomaaliya ayaa guul darro kala kulmay dhiggiisa Niger, kadib kulan saaxibtinimo oo galabta ku dhex maray garoonka Berrechid Municipal Stadium ee dalka Morocco oo hadda u ah Guriga (Home) Xulka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa looga badiyay 3 iyo 0, waxaana ka muuqatay in ciyaartooyda Soomaaliyeed aysan isla jaan qaadin weli, maadaama uu yaraa waqtiga ay wada qaateen.

Macallinka iyo ciyaartooyda ayaa looga fadhiya in ay wax ka beddelaan qaab ciyaareedkooda kulanka soo socda ee ay la ciyaari doonaan xulka Sierra Leone ( 17october).

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixiyay, sidii Qaranka Soomaaliya u ciyaari lahaa kulamo saaxibtinimo, kuwaas oo muhiim u ah diyaargarowga ciyaaraha isreeb-reebka koobka Adduunka 2026.

Xulka Qaranka oo diyaar garow ugu jira isreeb-reebka koobka Adduunka 2026, wuxuuna Group kula jiraa wadamada Algeria, Mozambique, Botswana, Guinea, iyo Uganda.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here