Saturday, July 27, 2024

UNICEF: 333 malyan oo carruur ah ayaa la il-daran faqri

New York (Dawan)- Warbixin ay soo saareen  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF iyo Bangiga Adduunka ayaa lagu xaqiijiyay in 333 malyan oo carruur ah ay wajahayaan faqri aad u xun.

 Warbixinta ayaa sheegtay in  cudurkii coronavirus, colaaadaha , isbeddelka cimilada iyo dhaqaala xumidu ay sababeen in faqrigu ku baahdo dunida.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in mid ka mid ah lixdii carruur ah uu ku noolyahay  wax ka yar $2.15 maalintii, sida lagu sheegay warbixinta.

“Dunida ay ku nool yihiin 333 milyan oo caruur ah kuwaas oo ku jira xaalad adag oo faqri ah, oo aan heli karin  baahiyaha aasaasiga ah iskaba daaye fursado iyo rajo kale,waa arrin aan loo dulqaadan karin” ayuu yiri, gaasimaha  Bangiga Adduunka u qaabilsan arrimaha  saboolnimada iyo sinnaanta Luis Felipe López Calva.

Dhankeeda , Agaasimaha Fulinta ee UNICEF Catherine Russell ayaa xusaty in dhibaatooyinka sii xumaanaya ee ka dhashay saameynta Covid-19, iskahor imaadyada sababa dagaallada, isbeddelka cimilada iyo  jahawareerka dhaqaalaha adduunku  ay caqabad ku noqdeen horumarka carruurta maanta la daala dhaceysa saboolnimada.

Warbixintaan ayaa dhabar jab ku ah yoolkii  Qaramada Midoobay ee ahaa in meesha laga saaro saboolnimada daran marka la gaaro 2030.

Warbixinta ayaa tusaale u soo qaadatay in 40 % carruurta ku nool Afrikada Saxaraha ka hooseeysa ay weli ku nool yihiin faqri aad u daran,  waxaana lagu tilmaamay in ay tahay goobta  ay ku noolyihiin carruurta ugu farqiga badan caalamka.

Bangiga Adduunka iyo UNICEF ayaa ugu baaqay waddamada adduunka in ay mudnaan siiyaan wax ka qabashada saboolnimada carruurta iyo in ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah sida in la ballaariyo barnaamijyada loo qoondeeyay carruurta si looga hortago mustaqbal xumada ay la kulmi doonaan malaayiin carruur ah oo ku nool daafah dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here