Monday, May 20, 2024

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo soo gaaay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixisada” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxat Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas raaciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh caddeeyay sida ay uga go’antahay dowladda Soomaaliya in laga adkaado kooxda dagaalamayaasha Al-shabaab, si loo sugo amniga dalka iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda halganka lagu ciribtirayo Al-shabaab.

Sidoo kale, Ducaale ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, waxeyna kawada hadleen iskaashiga labada dowladood ee dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuu ayaa soo dhaweeyay wafdiga Kenya ee uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga.

Kenya ayaa ka mid ah dowladaha ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Soomaaliya, waxeyna si toos ah uga qeyb qaadata dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab oo dhowr jeer qaraxyo ka geysatay gudaha Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here