Monday, May 20, 2024

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kenya

Nairobi (Dawan)- Shan qof ayaa ku dhimatay, tira kalena way ku dhaawacmen shil gaari oo ka dhacay waddada wayn ee xiriirisa Nairobi iyo Mombasa gaar ahaan aagga Kambu oo ka tirsan deegaanka Kibwezi ee ismaamulka Makueni.
Shilka oo xalay dhacay ayaa u dhexeyay Bas, mid ka mid ah baabuurta xamuulka iyo cagaf-cagaf.
Waxaa shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha Booliska ee Kibwezi, Peter Maina.
Taliyaha ayaa sheegay in baska oo ka ambabaxay magaalada Nairobi oo ku wajahnaa Mombasa uu cagaf-cagafta ku dhacay ka hor inta aynan isku dhicin gaariga xamuulka.
Peter Maina ayaa intaasi ku daray in shanta qof ay isla goobta ku dhinteen.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada magaalooyinka Kibwezi iyo Makindu si loo daaweeyo.

Shilalka gawaarida ayaa ku badan Kenya, waxeyna galaaftaan sannadkii nolosha dad badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here