Saturday, July 27, 2024

Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiisyo lala galay Sacuudiga iyo K/Afrika

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Koonfur Afrika.

Goluhu faaf-faahin dheeraad ah iyo waxa ay ku saabsan yihiin heshiisyadaas ma sheegin.

Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo warbixin ku saabsan xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha .

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waaydii u dambeeyay xoogga saaraty meel marinta heshiisyada is-afgaradka ah ee lalaa galay dowladaha kale, waxaana isbuuci lasoo dhaafay la ansixiyay heshiisyo lala galay dowladaha Turkiya iyo Itoobiya oo ku saabsanaa dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here