Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh iyo Xoghayaha J/ Carabta oo kawada hadlay arrimaha Geeska Afrika

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ay booqsho uga billaabatay dalka Masar aaya la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Gheit.

Maxaweyne Xasan iyo Xoghayaha Jaamcadda Carabta ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay guud ahan Geeska Afrika, gaar ahaana Soomaaliya, iyada uu Madaxweynuhu tilmaamay muhiimadda ay leedahy in la dadejiyo fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii deg degga ahaa ee Jaamacadda Carabta kaas oo looga soo horjeesaday heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Jamaal Rushdi, oo ah af-hayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Abul Gheit uu hoosta ka xariiqay in Jaamacadda Carabtu garab taagantahay go’aanka Soomaaliya ee waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray In Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u garab taagan tahay dhammaan go’aamada ay Soomaaliya kaga hortageyso tallaabooyinka halista ku ah madax bannaanideeda iyo mdinimadeeda dhuleed.

“Waxaa sharaf ii ah inaan galabta magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanan u xaqiijiyey in Jaamacadda Carabtu ay ku garab taagan tahay Soomaaliya sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka dhashay heshiiski ay wada galeen gobolka Somaliland iyo Itoobiya….
Jaamacaddu way diideysaa heshiiskaas waxayna adkeneysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya”. ayuu bartiisa X kusoo qoray Abul Gheit

Dhankiisa Madaxweyne Xasan ayaa ka mahadceliayay taageerada ay Soomaaliya ka heshay Jaamacadda Carabta, isaga oo yiri ” Waxaan maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Gheit. Waxaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta iyo sida ay xoogga u saarayso ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa booqday xarunta Al-Azhar, waxaana soo dhaweeyay Imaamka Al-Azhar Al-Shariif Dr Axmed Al-Dayib, isagoo u fidiyay casuumad si uu soo booqd Soomaaliya.

Imaamka weyn ee Al-Azhar Al-Shariif ayaa tilmaamay in Al-Azhar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah, kaas oo ay sii xoojiyeen culimaa’udiinkii Al-Azhar Al-Shariif ee loo soo diray Soomaaliya.

Al-Azhar ayaa kaalin weyn ka qaadata dhanka Waxbrashada ee Soomaaliya iyada oo ay hadda wax ka bartaaan qeybaheeda kala duwan arday Soomaaliyeed oo gaareysa 2,200.

Imaamka ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddi ka socda Soomaaliya iyo Al-Azhar oo kasoo tala bixiya sidii Soomaaliya looga caawin lahaa waxbarashada dhanka diiniga ah si loo soo saaro culumo xanbaarsan fikirka saxda ah ee islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu berri subax la kulmo dhiggiisa Masar si ay uga wada hadlaan arrimo badan oo ay ku jirto xiisaddii ugu dambeysay ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashada Madaxweyne Xasan ayaa timid kadib markii uu dhawaan ka helay casuumaad Madaxwenaha Masar, iyada oo xiisadda arrimaha Badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay cirka isku sii shareertay maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horeeyay ee telefoon kula hadla Madaxweyne Xasan kadib markii uu dhacay hehiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda isaga oo caddeeyay mowqifka Masar ee ku aaddan ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada dhileed ee Soomaaliya taas oo ka dhigan in ay kasoo horjeedaan heshiiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here