Saturday, July 27, 2024

Xildhibaanki hore ee Koonfurta Mandheera oo maxkamad looga yeeray

Mombasa (Dawan)- Maxkamadda qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa ee lanaateeda ismaamulka Mombasa ayaa u yeertay xildhibaankii hore ee Koonfurta Mandheera Aadan Xaaji Shiekh , si uu uga jawaabo eedeymo la  xiriira musuq oo uu ka soo gudbiyay Gudigga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Kenya.

Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday lacag dhan 51.4 milyan oo lacagta Kenya ah muddadii uu ka tirsanaa Guddiga fulinta ee Wasaaradda Dalxiiska ee ismaamulka Kwale.

Warbixinta uu soo gudbiyay Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa lagu sheegay in Aadan Xaaji uu ku guuldareystay inuu shaaciyo xiriirka kala dhaaxeeyay Hoteelka Lofta Resort Limited oo uu siiyay qandaraasyo dhanka jiifka iyo shirarka Maamulka Dowlad Deegaans intii u dhaxeysay sanadihii 2013 ilaa 2017.

Baaritaano dheeraad ah oo uu sameeyay Guddiga anshaxa fulinta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa lagu ogaaday in xildhibaanka xaaskiisa, Faaduma Ibrahim Roba iyo wiilkiisa Calibashiir Aadan loo diiwaan geliyay milkiilayaasha Hoteelka iyada oo aysan shaacin qaabkii ay lacagahaas ku heleen.

Xildhibaanka ayaa tan iyo December 2023 baxsad ka ahaa xarig sida laga soo xigtay waxda la dagaalanka musuqmaasuqa.

Dhamaadkii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii lasoo xiray Wasiirkii hore ee Dalxiiska Kenya, Najib Balala oo ku eedeysnaay xatooyo dhanka qandaraaska ah iyo in uu si aan habboonayn u bixiyay 8.5 bilyan oo shilin taas oo la xiriirta dhisidda Machadka lagu barto arrimaha dalxiiska ee Ronald Ngala Utalii College.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here