Suudaan (dawan)- Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dad gaaraya 20,000 ku barakaceen dagaalada ka socda gobalka Daarfuur ee galbeedka Suudaan.
Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadnimada ee Suudaan ayaa walaac ka muujiyay dagaalada maalmihii lasoo dhaafay ka socday galbeedka suudaan.
“Waxaan la soconaa, xaaladda ka taagan Daarfuur, waxaana ku dadaaleyna sidii gargaar loo gaasrin lahaa dadka ku wax yeeloobaay rabashada” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadnimada.
Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa magaalada Nyala ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidamada Suudan iyo ciidamada “gurmadka deg-degga ah” ee ku sugan magaalada Nyala, waxayna dagaaladaasi sababeen dhimasho, dhaawac, iyo barakac ballaaran.
Guddomiyaha gobalka Daarfur, Minni Arko Minawi, ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka inay gargaar bini’aadantinimo lasoo gaaraan gobolka, wuxuuna xaaladda ka jirta gobalka ku tilmaamay mid masiibo.
Dagaalka ka socda Suudaan, waxaa ku dhintay in ka badan 3,000 ,oo u badan dad rayid ah, waxaana ku barakacay in ka badan 4 milyan , sida ay sheegeen hay’adaha caalamiga ah .