Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo Deeq Waxbarasho siisay arday Comoros ah

Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Waxbraashada Sare ee dalka Jabuuti iyo Jaamacadda Jabuuti ayaa soo dhaweyn u sameeyay 17 arday oo kasoo jeedda dalka Comoros kuwaas oo Deeq Waxbarasho ka helay Jaamacadda Jabuuti.

Ardaydan oo ah qeybtii ugu horeysay ee Waxbarasho u timaada Jabuuti ayaa fursad u ehlay inay wax ka bartaan Jaamacadda Jabuuti gaar ahaan Kulliyadaha Caafimaadka iyo Injineernimada.

Wasiirka Waxbarashada Sare iyo Cilmi Baarista, Dr Nabiil Maxamed Axmed ayaa sheegay in ardaydaan ka timid Comoros kala kulmi doonaan maamulka iyo macallimminta Jamaacadda soo dhaweyn wanaagsan iyo gacan qabad si ay uga mira dhaliyaan yoolkooda Waxbarasho.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kusoo biirista ardaydaan Jaamacadda Jabuuti ay muujineyso awoodda Waxabarashada Sare ee dalka Jabuuti oo hore u siin jirtay Deeq Waxbarasho arday ka kala socota dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dr Jaamac Maxamed Xasan oo ah Guddomiyaha Jaamcadda Jabuuti ayaa xusay in ay sharaf weyn u tahay in ardaydaan ka timid Comoros kusoo biiraan Jamacadda si ay usii wataan Waxbarashadooda heerka sare, isaga oo ku tilmaamay arrintaan ka mira dhalinta heshiiska iskaashi ee ka dhaxeeya Jaamacadda Jabuuti iyo Jamacadda Comoros ee isdhaafsiga ardayda.

Guddomiyaha ayaa kula dardaarmay ardayda inay sii laba laabaan dadaalkooda si ay uga mira dhaliyaan himiladooda Waxbarasho kadibna ay ku laabtaan dalkooda si ay uga qeyb qaataan u adeegista bulshadooda.

Qunsulka Guud ee Comoros u jooga Jabuuti ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti Deeqadaan Waxbarasho, isaga oo hoosta ka xariiqay in Comoros abaal weyn uga heyso Jabuuti fursadda Waxbarasho ee ay siisay ardaydaan.

Qunsulka ayaa rajo weyn ka muujiyay in arday intaan ka badan Waxbarasho u imaan doonaan Jabuuti si loo sii xoojiyo iskaashiga dhanka Waxbarasho ee labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here