Saturday, July 27, 2024

Madaxweyene Xasan oo gaaray degmada Aadan-Yabaal

Addan-Yabaal (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw ka degay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana soo dhaweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawey Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.
Madaxweynaha ayaa u u kuur galaya xaaladda ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada”. – Villa Somaliaya.

Madaxweynaha oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa kala hadlay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka kasoo jeeda deegaankaas sidii loo sii dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab .

Dagaallada ka socday Hirshabeelle ayaa hakad ku yimid kadib markii khilaaf xooggan soo kala dhax galay madaxweyne Guudlaawe iyo Cali Jeyte oo hoggaaminayay dagaalka ka socday gobolka Hiiraan.

Madaxweyen Xasan ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa isbuuci hore booqasho ku tegay taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here