Sunday, May 19, 2024

NISA oo sheegtay in ay qabatay 25 qof oo doonayay in ay ku biiraan A S

Muqdisho (Dawan)- Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Kooxda Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adda.

Bayaanku waxa uu intaas ku daray, in Xubnahan oo watay gaari nuuca loo yaqaano Caasi kana soo baxay deegaan hoos taga degmada Afgooye ayaa gcanta Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka soo galay xilli ay doonayeen in ay u tallaabaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay in loo waday in la askareeyo kuna biiraan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Gabagabada bayaanka ayaa lagu xusay in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ay ka go’an tahay markasta in la beegsado cadawga Khawaarijta h ee ku hawlan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

NISA faahfaahin dheeraad ah kama bixin qaabka lagu ogaaday in ay dadkaan doonayeen in ku biiraan marka laga soo tago in ay sheegtay in ay iyagu qirteen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa bishii hore Muqdisho kasoo dejisay Sufyaan Sheekh Axmed, oo ay ku eedeysay in uu faafiyo fikirka xagjirnimada ah sidoo kalena taageero kooxda Al-shabaab.

Dagaalka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab ayaa sii xoogeystay tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii tegay.

Ciidamada Dowladda oo kaashanaaya dadka deegaanka iyo beesha caalamka ayaa dhowr magaalo oo ka tirsan maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle kala wareegay kooxda Al-shabaab bilihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, kooxda Al-shabaab ayaa kordhisay qaraxyada iyo weerarada ay kusoo qaadaan xarumaha ciidamada dowladda oo ay ugu dambeeyeen dhowr qarax oo Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka dhacay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here