Jigjiga (Dawan) – Duqa magaalada Jigjiga, Shaafi Axmed, ayaa ku baaqay in la xoojiyo diyaar garowga iyo tallaabooyinka ka hortagga dabka, kadib dab ka kacay Suuqa Xoogsade ee magaalada, kaas oo muujiyay caqabado la xiriira ka jawaabista degdegga ah iyo kaabayaasha jira.
Duqa ayaa sheegay in dabku ka kacay Suuqa Xoogsade, isla markaana uu si tartiib ah u faafay ka hor inta aysan si buuxda u hawlgelin ciidammada gurmadka iyo hay’adaha ammaanku.
Wuxuu tilmaamay in ciidammo badan oo gurmad ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka, balse ay la kulmeen caqabado ay ka mid yihiin marinno xiran iyo dhismayaal ciriiri ah, kuwaas oo dib u dhigay in si degdeg ah loo gaaro qaar ka mid ah goobaha.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in dabka la xakameeyo, inkastoo weli aan si rasmi ah loo shaacin baaxadda khasaaraha. Hal askari ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray intii uu socday gurmadka.
