Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa fartay maamullada heer gobol iyo heer degmo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay sii wataan gudashada xilalkooda, inkastoo ay dhaafeen muddadii sharciyeysnayd, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday wasaaradda maanta oo Axad ah.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in go’aankan looga gol leeyahay ka hortagga firaaq maamul iyo ilaalinta xasilloonida, iyadoo la hubinayo sii socoshada adeegyada bulshada xilli ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo amni oo ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, wareegtadu waxay tilmaamaysaa in dhammaan maamullada heer gobol iyo degmo ay sii shaqeynayaan ilaa laga soo dhisayo goleyaal cusub oo si sharci ah u beddela.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in, iyadoo la tashaneysa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, la kormeeri doono ilaalinta maamullada jira iyo buuxinta xilalka bannaan.
