Muqdisho (Dawan ) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake, ayaa su’aal ka keenay doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli ay socdaan qorshayaal la xiriira doorashooyin iyo isbeddello siyaasadeed.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu Cumar Cabdirashiid ku yiri: “Koonfur Galbeed ma waxaa laga dhigay maamul hoose oo hoos yimaada dowladda federaalka? Doorashooyin waa la qaban karaa iyadoo uu jiro maamul ku-meel-gaar ah oo dowlad-goboleed ah, haddii aysan Dowladda Federaalka isku dayayn inay dib u qaabeyso mustaqbalka nidaamka federaalka.”
Wuxuu sidoo kale ka digay waxa uu ku tilmaamay xadgudub kasta oo lagu sameeyo nidaamka dastuuriga ah, isagoo yiri: “Xadgudub kasta oo lagu sameeyo nidaamkeenna dastuuriga ah dib ayuu noo celinayaa.”
Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya wado dadaallo ku saabsan hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod ah, iyadoo doodo ay ka taagan yihiin qaabka loo maamulayo dowlad-goboleedyada iyo kaalinta dowladda federaalka.


