Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Khamiistii daahfuray Xarunta Dayactirka Maraakiibta ee Djibouti, taas oo uu ku tilmaamay isku-xirka ka maqnaa nidaamka dekedaha dalka.
Xaruntan oo ay dhistay shirkadda Damen Group ayaa ah tan ugu weyn gobolka iyo guud ahaan xeebaha Bariga Afrika, waxaana loogu talagalay inay bixiso adeegyo dayactir iyo farsamo oo loogu sameeyo maraakiibta mara marin-biyoodka gobolka.
Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dekedaha casriga ah aysan ku koobnayn oo keliya dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, balse ay yihiin nidaam isku-dhafan oo ay ku jiraan adeegyo farsamo, saadka iyo warshadaha hal-abuurka.


