Garoowe (Dawan) – Hanti-dhawraha Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u faray wasiirrada, wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha inay soo gudbiyaan hantidooda, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiskiisa.
Amarkan ka soo baxay Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ayaa lagu caddeeyay in dhammaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda looga baahan yahay inay shaaciyaan hantidooda, si waafaqsan qodobbada dastuurka ee dhigaya in mas’uuliyiinta dowladda ay soo gudbiyaan xogta hantidooda inta ay xilka hayaan.
Xafiisku wuxuu xusay in waajibaadkan uu ku saleysan yahay Qodobka 77-aad ee Dastuurka Puntland, kaasoo dhigaya in mas’uuliyiinta dowladda aysan ku milmin ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan, isla markaana ay waajib ku tahay inay si joogto ah u soo gudbiyaan hantidooda, gaar ahaan bilaha ugu horreeya ee xil-hayntooda.


