Muqdisho (Dawan)- Dab xooggan ayaa subaxnimadii maanta oo Axad ah ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay weli socdaan dadaalada lagu deminayo laguna badbaadinayo hantida ganacsatada.
Dabka ayaa ka kacay bakhaar ganacsi oo u dhaw qeybta Cabdalla-shideeye, waxeyna Maauulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn iska kaashanayaan sidii looga hortei lahaa in dabku geysto khasaara badan.
War rasmi ah oo ku saabsan sababta keenttay iyo khasaaraha ka dhashay dabka weli lama soo saarin.
"Waxaan ku dadaaleynaa sidii aan dabka u xakameyn lahayn, si uusan ugu faafin dhismayaal kale. Dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku howlan daminta dabka. Dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa waxa sababay iyo khasaaraha hantiyeed”. sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Degmada Hawlwadaag, Bashiir Cabdi Maxamed.



