Muqdisho (Dawan)- Dab xooggan ayaa caawa ka kacay Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyada oo weli lagu howlanyahay sidii loo demin lahaa.
Dabka ayaa ka billawday agagaarka Masjidka Marwaaz, waxa uuna ku fiday goobaha ku dhaw oo lagu iibiyo waxyaabo kala duwan sida Dahabka.
Maamulka Gobolka Banaadir, ganacsatada iyo dad weyne is xilqaamay ayaa dadaal ugu jira sidii loo demin lahaa dabka .





