Soomaaliya, 15 Maarso 2026 (Dawan)— Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta oo Axad ah magaalada Baydhabo ka bilowday hawlgal biyo-dhaamin ah oo socon doona muddo toddobaad ah, si loogu caawiyo dadka iyo xoolaha ay saameeyeen abaaraha daran, sida ay hay’addu sheegtay.
Hindisahan oo ay fulinayso SoDMA, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ujeeddadiisu tahay in biyo nadiif ah la gaarsiiyo dadka deegaanka iyo xoolaha ku nool magaalada iyo tuulooyinka miyiga ah ee ku xeeran, halkaas oo ay ka jirto biyo la’aantii ugu darnayd.
Hawlgalkan ayaa waxaa daah-furay Ku-xigeenka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka ee Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Isaaq Maalin. SoDMA ayaa sheegtay in booyado biyo sida loo diray dhowr xaafadood iyo tuulooyin hoos taga magaalada, halkaas oo ay dadku la tacaalayeen biyo la’aan baahsan.








