Tehran (Dawan)- Tirada ardayda ku geeriyootay weerar cirka ah oo lagu qaaday dugsi hoose oo u gaar ah gabdhaha oo ku yaalla gobolka Hormozgaan, koonfurta Iiraan, ayaa kor u dhaaftay 50, sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaas Sabtidii.
Telefishinka dowladda Iiraan ayaa sheegay in dugsiga gabdhaha ee “Al-Shajarah Al-Tayyibah” oo ku yaalla degmada Miinaab uu la kulmay weerar ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo sababtay khasaare naf iyo maalba leh.
Maamulka degmada Miinaab, Maxamed Raadmihir, ayaa sheegay in dugsiga si toos ah loo bartilmaameedsaday, iyada oo illaa iyo hadda ay ku dhinteen 51 ardayad, halka tiro kale oo dhaawac ah la soo wariyay.
Weerarkan ayaa yimid kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay subaxnimadii maanta oo Sabti ah bilaabeen howlgal militari oo ballaaran oo ka dhan ah Iiraan.








