New York (Dawan)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa cambaareeyay dagaalka militari ee ka qarxay Bariga Dhexe kaddib weerarrada ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan iyo jawaabta ay Tehran bixisay.
Bayaan kasoo baxay xafiiska afhayeenkiisa maanta ayuu Guterres ku sheegay in adeegsiga awoodda milatari ay wiiqayso nabadda iyo amniga caalamiga ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay.
“Axdi-ga Qaramada Midoobay si cad ayuu u mamnuucayaa hanjabaadda ama adeegsiga awood ka dhan ah madaxbannaanida siyaasadeed ama dhul ahaaneed ee dal kasta,” ayuu yiri.








