Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa qaabilay wafdi ballaan oo ka socday xafiiska u qaabilsan Midowga Yurub arrimaha siyaasadda iyo amniga oo booqasho shaqo ku jooga Jabuuti.
Wasiirka iyo wafdiga ayaa kawada hadlay arrimaha ka dhaxeeya labada dhinac , iyadoo la eegayo isbedellada gobolka iyo kan caalamiga ah ee hadda socda iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Kulanka, waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka milateri ee ka dhexeeya dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay dowladda Jabuuti xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca amniga ee ay la leedahay Midowga Yurub.





