Jabuuti (Dawan ) – Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Trinidad and Tobago ayaa si rasmi ah u dhisay xiriir diblomaasiyadeed, kaas oo loo arko tallaabo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya labada dal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda Jabuuti (ADI) Khamiistii.
War-saxaafadeed wadajir ah oo lagu shaaciyay xiriirka cusub ayaa waxaa saxiixay Safiirka Jabuuti ee Washington ahna Ergeyga Joogtada ah ee Qaramada Midoobay, Maxamed-Siyaad Ducaaleh, iyo Ergeyga Joogtada ah ee Trinidad and Tobago, Neil Nadesh Parsan.
Heshiiskan ayaa ka tarjumaya ka go’naanshaha labada dal ee ku aaddan xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga, sida lagu sheegay qoraalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay inay ku dhaqmayaan mabaadi’da iyo ujeeddooyinka Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay ixtiraamayaan sharciga caalamiga ah.
