Nairobi (Dawan ) – Soomaaliya ayaa ka furtay xafiis ka tirsan Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) safaaraddeeda Nairobi, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay in la ballaariyo helitaanka dukumentiyada aqoonsiga ee Soomaalida ku nool dibadda.
Munaasabadda furitaanka oo ay ka qeybgaleen diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare ayaa waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo Agaasimaha Guud ee NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle.
“Tani ma aha oo kaliya tallaabo maamul. Waa fariin loo dirayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in dowladdu ay aragto oo ay dooneyso inay gaarto,” ayuu yiri Safiir Jabriil.
Agaasimaha Guud ee NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle, ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso isbeddel ku yimid habka bixinta adeegyada, isagoo xusay in hay’addu ay doonayso inay adeegyada u geyso muwaadiniinta meel kasta oo ay joogaan.
"Waxaan dhiseynaa nidaam aqoonsi qaran oo raaca muwaadiniinta, halkii ay ka sugi lahaayeen inay iyagu noo yimaadaan,” ayuu yiri.
Xafiiska Nairobi ayaa noqonaya goobtii 30-aad ee NIRA ka hirgeliso adeegyada diiwaangelinta, taasoo ka tarjumeysa dadaalka dowladda ee lagu gaarsiinayo adeegyada aqoonsiga gudaha dalka iyo dibaddiisaba.
