Muqdisho (Dawan ) – Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa ku baaqday in la xakameeyo xiisadaha ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ka digtay in kororka xiisadaha siyaasadeed iyo amni ay sii wiiqi karaan xaaladda deegaan horey u wajahaya cadaadis bani’aadantinimo oo daran.
War-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Jimco ah Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay muujisay walaac ku saabsan dhacdooyinka soo kordhay.
“Xiisadaha hadda jira waxay halis u yihiin inay sii wiiqaan xaaladda amniga isla markaana saameyn ku yeeshaan bulshooyinka horey u wajahaya cadaadis bani’aadantinimo oo daran,” ayay safaaraddu tiri, waxayna raacisay “Annaga oo ah saaxiib iyo Bahwadaagta Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn oo ay mudnaanta siiyaan dejinta xaaladda.”
Baaqan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed
