Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Waxbraashada Sare ee dalka Jabuuti iyo Jaamacadda Jabuuti ayaa soo dhaweyn u sameeyay 17 arday oo kasoo jeedda dalka Comoros kuwaas oo Deeq Waxbarasho ka helay Jaamacadda Jabuuti.
Ardaydan oo ah qeybtii ugu horeysay ee Waxbarasho u timaada Jabuuti ayaa fursad u ehlay inay wax ka bartaan Jaamacadda Jabuuti gaar ahaan Kulliyadaha Caafimaadka iyo Injineernimada.
Wasiirka Waxbarashada Sare iyo Cilmi Baarista, Dr Nabiil Maxamed Axmed ayaa sheegay in ardaydaan ka timid Comoros kala kulmi doonaan maamulka iyo macallimminta Jamaacadda soo dhaweyn wanaagsan iyo gacan qabad si ay uga mira dhaliyaan yoolkooda Waxbarasho.
Wasiirka ayaa tilmaamay in kusoo biirista ardaydaan Jaamacadda Jabuuti ay muujineyso awoodda Waxabarashada Sare ee dalka Jabuuti oo hore u siin jirtay Deeq Waxbarasho arday ka kala socota dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya
Dr Jaamac Maxamed Xasan oo ah Guddomiyaha Jaamcadda Jabuuti ayaa xusay in ay sharaf weyn u tahay in ardaydaan ka timid Comoros kusoo biiraan Jamacadda si ay usii wataan Waxbarashadooda heerka sare, isaga oo ku tilmaamay arrintaan ka mira dhalinta heshiiska iskaashi ee ka dhaxeeya Jaamacadda Jabuuti iyo Jamacadda Comoros ee isdhaafsiga ardayda.



