JABUUTI (Dawan ) – Dowladda Jabuuti ayaa dhistay guddi gaar ah (task force) oo loogu talagalay maareynta saameynta dhaqaale ee ka dhalatay colaadda Bariga Dhexe, kaddib kulan heer sare ah oo labaad oo lagu qabtay muddo toban maalmood gudahood, sida ay sheegtay Madaxtooyda Dowladda Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismail Omar Guelleh, ayaa Axaddii kulanka ku qabtay qasriga madaxtooyada, isaga oo la yeeshay mas’uuliyiin sare si loo qiimeeyo saameynta colaadda, gaar ahaan dhinacyada sicir-bararka iyo silsiladaha sahayda.
Kulankan ayaa daba socda kulan hore oo isla bishan la qabtay, kaas oo Jabuuti ay ku soo bandhigtay qorshe lagu xakameynayo sicir-bararka ka dhashay kororka qiimaha shidaalka iyo raashinka ee suuqyada caalamiga ah.
Qorshahaas ayaa diiradda saaray la socodka suuqyada gudaha, ilaalinta dadka nugul, xoojinta iskaashiga ganacsatada iyo yareynta ku tiirsanaanta soo dejinta, iyadoo dalka uu wajahayo cadaadis ka imanaya arrimo dibadda ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kulanka ugu dambeeyay lagu qiimeeyay hirgelinta tallaabooyinkaas, isla markaana lagu go’aamiyay in la dhiso guddi heer qaran ah oo isku xira wasaaradaha kala duwan, si looga hortago loona maareeyo saameynta dhaqaale ee ka dhalata dhibaatooyinka caalamiga ah.
“Ujeeddadu waa in laga hortago koror aan la xakameyn karin oo ku yimaada qiimaha, gaar ahaan badeecooyinka daruuriga ah iyo shidaalka gudaha,” ayuu yiri ilo dowladeed oo ay soo xigatay wakalaada Wararka Jabuuti.


