Baydhabo, Maarso 19 (Dawan ) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Khamiistan ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ciidamo ku daabulayso magaalada Baraawe, tallaabadaas oo ay ku tilmaamtay mid lagu wiiqayo maamulka gobolka, sida lagu sheegay shir jaraa’id oo telefishinka maamulka laga sii daayay.
Afhayeenka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay eedeytaan xilli uu ka hadlayey kulan degdeg ah oo dhex maray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo odayaasha dhaqanka, kaasoo lagu falanqeeyay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo kordhay gobolka.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamo loo daabulay Baraawe, oo ah xarunta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, isagoo ka digay in tallaabadaasi ay halis ku tahay jiritaanka dowladnimada iyo midnimada shacabka.
“Waxaa saakaa ciidamo oo duulaan ku ah jiritaanka dadka reer Koonfur Galbeed oo la rabo dawladnimadooda in lagu dumiyo loo daabulay xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya magaalada Baraawe ,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maamulka uu u arko arrintan mid qeyb ka ah dadaallo lagu wiiqayo maamulka.