Muqdisho (Dawan)- Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, Rachid Lousteque oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee ciyaartooyda Soomaaliya uga qeyb geleysa isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.
Ciyaayrtooydaan oo ka kooban 35 ayaa isagu jira kuwa ka ciyaaraha gudaga dalka iyo dibaddiisa, waxaana lagu soo xushay sida uu Rachid Lousteque sheegay qaab ciyaareedki ay soo bandhigeen bilihi lasoo dhaafay iyo dadaalka ay ka muujiyeen ciyaarihi ay ka qeyb qaateen.
Halkaan hoose ka akhriso Magacyada Ciyaartooyda:

Tababare Rachid Lousteque ayaa sheegay in xulka Qaranka Soomaaliya u safri doono dalka Morocco si uu kulamo saaxibtinimo ugu ciyaaro isaguna diyaariyo kulanka soo socda oo ay la ciyaari doonaan xulka Algeria.



