Muqdisho (Dawan) – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ku eedeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay ka dambeeyaan xarigga wariye Cabdifitaax Nuur Barre, oo ka tirsan Somali Cable Television.
War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in wariyaha habeenkii xalay laga kaxeystay goob dadweyne oo ku taalla Muqdisho, iyadoo ay xarigiisa fuliyeen ciidamo lagu sheegay inay ka tirsan yihiin CXDS. NUSOJ waxay sheegtay in ilaa hadda aan la ogeyn halka lagu hayo wariyaha, isla markaana aan loo sheegin wax eedeyn ah ama hab sharci ah oo lagu xiray.
Ururku wuxuu sheegay in xaaladda ku xeeran xarigga wariyaha ay dhalisay walaac weyn oo la xiriira ku-tumashada habraaca sharciga, hufnaanta, iyo badbaadada saxafiyiinta. NUSOJ waxay intaas ku dartay inay jiraan tuhuno muujinaya in xarigga wariyaha uu la xiriiri karo shaqadiisa warbaahineed iyo warbixinno dhaliil ah oo uu sameeyay.








