Tripoli (Dawan)- Afar qofood oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka dalka Giriigga iyo seddex qof oo ah muwaadiniin u dhashay Liibiya ayaa ku geeriyooday shil gaari xilli ay kusii jeedeen magaalada Derna ee dhibaatada baaxadda leh kasoo gaaraty Daadadkii ku dhuftay 10-kii September
Wasiirka caafimaadka ee dawladda Liibiya Cusmaan Cabdul Jaliil ayaa yiri “ Koox gargaar oo ka socotay Giriiga kuwaas oo u yimid inay caawiyaan dadka Liibiya si loo samata bixiyo dadka waxyeelladu soo gaartay ayaa galay shil xun"
Wasiirka ayaa intaas ku daray in afar ka mid ah shaqaalaha Giriigga ay dhinteen halka 15 kale ku dhaawacmeen shilka.
Gaari ay saarnaayeen qoys kasoo jeeda dalka Liibiya ayaa ku dhacay Bas ay saarnayen shaqaalaha gargaarka, waxaana geeriyooday 3 ka mid ah qoyski halka 2 kale ku dhaawacmeen shilka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Liibiyaan ah.
Dowladda Giriigga aya sidoo kale xaqiisay in shaqaalaheedu shil ku galeen Liibiya, waxeyna intaas raacisay in ay ku howlantahay sidii loo soo celin lahaa shaqaalaha dhaawacu kasoo gaaray shilka.





